Maxkamadda Brookleeyn ee magaalladda New York ee dalka Maraykanka waxaa shalay la soo taagay Labo nin oo Somali haysata Dhalashadda dalka Sweden, kuwaasi oo lagu eedeeyey inay Taageeri jireen, isla markaana tababaro la soo qaateen Alshabaab.
Labada Eedeyssane oo lagu kala magacaabo Cali Yaasiin Axmed oo 31-jir ah iyo Maxamed Yuusuf oo 33-jir ah ayaa la sheegay inay sannadkii 2008-dii ka ambabaxeen dalka Sweden, kuna biireen Xarakadda Alshabaab.
Garsooraha Maxkamadda Brookleyn, John Jelisson ayaa sheegay in Eedeysanayaasha laga soo qabtay dalka Jabuuti bishii August ee sannadkii 2008-kii, iyagoo ka yimid Somalia, kuna sii jeeday Yemen, si ay ugu biiraan Alqaacidada Gacanka Carbeed ee loo yaqaano AQAB.
Garsooruhu, waxa uu labadaa Eedeysane ku xukumay min 11-sanno ah.
Dhinaca kale, Maxkamadda waxay dib u dhigtay Dacwad loo haysto Mahdi Xaashi oo ah Somali-British, kaasi oo lala soo qabtay Labada Eedeysane ee xukunka lagu riday.
Dowladda Britain waxay horey u sheegtay inay Mahdi Xaashi kala laabten Aqoonsiga Muwaadinimadda British, kadib, markii uu ku biiray Alshabaab, laguna soo oogay inuu tababar iyo taageero u fidiyey Alshabaab oo dagaal kula jirta Dowladda Federalka Somalia iyo Hawlgalka AMISOM.
©Radio Dalsan       Â