Ciidamada ammaanka degmada Cadaado ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa ay howlgalo ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee magaaladaas.
Howl gallada ayaa ahaa kuwo ammaanka lagu xaqiijinayo, waxaana la arkayay Ciidanka Booliska Magaalada oo baaritaanno ka sameynaya gudaha degmada, gaadiidka noocyadiisa kala duwan ayaa si gaar ah baaritaano loogu samenayay, sidoo kale dhallinyarada ku caweeya goobaha la isugu yimaado sida Maaqaayadaha ayaa su’aalo la weydiinayay.
Laamaha ammaanka magaalada Cadaado ayaa sheegay in looga bahan yahay dadka deggan magaalada in ay ka qayb qaataan ammaanka guud ee magaalada, ayna la shaqeeyaan Ciidamada Booliska oo sida ay sheegeen u taagan nabad galyada magaalada.
Sidoo kale waxaa shacabka lagu amray in ay ka qayb qaataan bilicda Magaalada oo qof waliba uu xil gooni ah iska saaro qurxinta nadaafadda guud, waxaana Ciidamada Booliska ee ku sugan degmada ay ganacsatada ku amreen in qof waliba uu qurxiyo meheradiisa horteeda si quruxda iyo bilicda Magaaladu ay u soo laabato.
Booliska Cadaado ayaa dhawaanahaan waxaa ay wadeen howl galada ammaanka lagu xaqiijinayo, waxaana horay tiro dhowr jeer ah ay ka sameeyeen magaalada baariytaano kala duwan.