Qarax xoogan oo Mas’uuliyiin lagula beegsaday Baladweyne iyo khasaaro ka dhashay

Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhex dhacay Maqaayad ku taalla gudaha Saldhiga Booliska ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle, waxaana qaraxa jugtiisa laga maqlay xaafaddo ka tirsan Magaaladaas.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah ee laga meelaha fog-fog la geliyay Maqaayad ku dhex taalla Saldhiga Booliska, taasi oo ay fariistaan Saraakiil Ciidan iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Hiiraan.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxa oo soo gaaray Mas’uuliyiin, Saraakiil iyo dad kale ka Agdhawaa Maqaayada, waxaana la xaqiijiyeen inay goobta ku geeriyootay haweeneydii laheyd Maqaayada.

Sidoo kale dadka ku dhaawacmay qaraxa ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyaha degmada Feer-feer Mahad Maxamed Xasan, Taliyaha Booliska Magaalada Baladweyne Maxamed Maxamuud Qoorsheel iyo Askar kale oo ku sugneyd halkaas.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayaan in qaraxa uu ku geeriyooday Duqa degmada Feer-feer Khaliif Garaad Rooble oo markii hore la sheegay inuu soo gaaray dhaawac culus, hayeeshee markii dambe uu u geeriyooday.

Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska Baladweyne ayaa gebi ahaan xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa Saldhiga Booliska, isla markaana waxaa ay wadaan baaritaano kala duwan oo ku aadan qaraxii ka dhacay Saldhiga Booliska.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor