Waxaa goor dhow Xaafadda Siinaay ee Magaalada Muqdisho ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari gacan kaas oo ay aad ula yaabeen dadka deegaanka,qaraxaan ayaa la sheegay in lagu hoos qariyay gaari gacan kadibna uu qarxay.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in markii hore ay garan waayeen waxa dhacay lakin goobta ay soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.
Qaraxaan oo ka dhacay qaybta Khudaarta ee Suuqa Siinaay ayaa la sheegay in uu ku dhaawacmay hal qof,haatana waxaa socda baaritaano ay wadaan ciidamadii goobta ka ag dhawaa.
Faah faahinta Warkan kala socda Radiodalsan.com