Dhageyso:-Baanaanbax looga soo horjeedo Dowlad Goboleedyada oo bilaawday

Boqolaal ka mid ah Shacabka ku nool degmada Garbahaareey ee Xarunta gobolka Gedo ayaa waxa ay Maanta dhigeen banaanbax ay uga soo horjeedaan madaxda Dowlad Goboleedyada ee ku shiray Kismaayo.

Banaanbaxayasha ayaa ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah Madaxda Maamul goboleedyada,iyaga oo sigaar ah eedeyn ugu jeediyey Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam(Madoobe)

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa waxa ay sheegeen in Warmurtiyeedkii ay soo saareen Madaxda Dowlad Goboleedyada uu yahay mid ay iska-dhaheen,markaana uusan aheyn wax ay ku hadlaan dad mas’uuliyin ah.

Sigaar ah waxa ay u sheegeen inay ka mid yihiin Maamulka Jubbaland balse ay ka soo horjeedaan Madaxweynaha Maamulka Jubbaland,sidoo kalena ay kasloonidii kala laabteen.

Waxa ay ku eedeeyeen Madaxda Maamul goboleedyada ay doonayaan in dalka ay dib ugu celiyaan dhibaatooyinkii la soo maray,waxaana ay baaq u direen Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo ka soo jeeda Gobolka Gedo iyo Xildhibaanada ku metela Jubbaland.

Hoos Ka Dhageyso Codadka dadka banaanbaxayaasha ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor