Dhageyso:- Culumada Magaalada Hargeysa oo bayaan ka soo saaray Kaniisadii la sheegay in dib looga furay Magaaladaas.

Xubno ka mid ah culimada Somaliland ayaa baaq ka soo saaray Kiniisad la sheegay in dayactir lagu sameeyay oo ku taalla magaalada Hargeysa.

Culimada ayaa madaxda Soomaaliland u soo jeediyey talooyin ku saabsan habka loo wajahayo kaniisaddaas oo ay sheegeen in aanay bannaanayn dib-u-dayactirkeedu. Waxay shacabka ugu baaqeen inay ilaaliyaan midnimada iyo xasiloonida Soomaaliland.

Culimadan oo xalay warbaahinta kula hadlay Hargeysa, kana mid ahaayeen Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Sheekh Cali Maxamed Geeddi, Sheekh Xasan Cabdisalaan iyo culimo kale.

Marka laga soo tago Culumada ayaa waxaa jiray walaac ay arintaan ka muujinayeen Siysiyiinta iyo bulshda qeybahooda kala duwan eek u nool Magaalada Hargeysa.

Bayaankaan ka soo baxay Culumada Magaalada Hargeysa waxaa Warbaahinta u Akhriyay Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure.

Hoos Ka Dhageyso Codka Bayaanka Culumada

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media