Howlal Ballaaran oo ka socda degmada Buulo burde,kadib qarax ka dhacay degmadaas

Wararka laga helayo degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay ku waramayaan in halkaasi uu ka socdo howlgal,kadib markii qarax lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti oo ka mid ah howlgalka AMISOM

Qaraxa ayaa dhacay Shalay gelinkii dambe waxaana Maanta degmadaas ka socda howlgal ay sameynayaan Ciidamada AMISOM,iyada oo shalay Isgaarsiinta Magalada ay Hawada ka saareen Ciidamada Jabuuti markii uu qaraxa dhacay,wallow markii dambe dib ay u fasaxeen.

Howlgalka ayaa Ciidamada Jabuuti waxa ay weli ka wadaan xaafado ka tirsan degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan,sida ay sheegeen dadka degmada,isla markaana uu saameyn weyn ku yeeshay isu-socodka dadka iyo Ganacsiga.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ay ku dhinteen Askarta Jabuutiyaanka ah ee ka dhacay Magaaladaasi,welina howlgalka ka socda degmada Buulo burde kama hadlin Saraakiisha Ciidamada Jabuuti iyo Maamulka degmada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor