Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Xooggan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana la helayaa warar kala duwan oo kasoo baxaya qaraxa.

Qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay Xaafado iyo degmooyin ka tirsa Gobolka Banaadir ayaa si gaar ah waxaa uu uga dhacay Tree Piano, waxaana dad goob joogayaal ah ay soo sheegayan in Qaraxu uu ahaa mid xooggan oo si weyn ay u maqleen dadka ka ag-dhawaa halka ay wax ka dhaceen.

Wali lama oga cidda Qaraxaasi lala-beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay, sido kale laamaha ammaanka wax war ah kama aysan soo saarin qaraxaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa inta badan waxaa ka dhaca Qaraxyada noocaan ah, iyadoo horay qaraxyo badan oo ka dhacay ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ay iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor