Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale caddeysay inay ka go’an tahay ilaalinta iyo dhowrista xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida Saxaafadda.
Sidoo kale wasaaradda ayaa sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta, in loo fududeeyo gudashada waajibaadkooda iyo inay si xor ah fikirkooda u dhiibtaan iyagoo raacaya xeerarka saxaafadda iyo sharciga dalka u yaalla.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ayaa waxaa lagu sheegay in Wasaaradda ka war heshay xarigga Cabdalla Muumin oo ka tirsan bahda ururada saxaafadda ee magaalada Muqdisho ka hawlgala, isla markaana ah Xoghayaha Ururka SJSS.
“Xiriir ay la sameysay Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ayaa wasaaradda lagu wargeliyay in Cabdalla Muumin uu gacanta ugu jiro Ciidanka Booliska Soomaaliyeed isla markaana loo haysto eedeymo dhanka amniga la xiriira” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda.
Qoraalka ayaa waxaa intaas lagu sii daray”Wasaaraddu waxay sidaa darteed caddeyneysaa in Cabdalla Muumin aan loo haysan eedo la xiriira shaqadiisa saxaafadda”
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka dalbadey Xafiiska Xeer Ilaalinta in degdeg ay caddeymo uga bixiso sababta muwaadinkaasi loo hayo, lana marsiiyo habraacyada sharciga ee dalka u degsa.