Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee ka howlgala Gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland ayaa Maanta goob fagaare ah oo ku gubay Qaad si sharci daro ah loo soo geliyay Magaalada Qardho.
Maamulka Gobolka Karkaar, kan degmada Qardho, Taliska Qaybta Booliska ayaa goobjoog ka ahaa Goobta lagu gubayay qaadka, waxaana Jaadka lagu soo qabtay howlgal qorsheysan oo ay sameeyeenn Ciidanka.
Maamulka iyo Ciidamada ayaa fariin adag u diray dadka ka shaqaysan soo gelinta qaadka oo ay Puntland mamnuucday, sidoo kale waxay sheegeen qofkasta oo isagoo faraha kula jira lagu soo qabto in uu sharciga mari doono.
Maamulka Puntland ayaa dhowr jeer qaad badan ku gubay Magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo deegaano kale, waxaana Puntland ay sheegtay in aysan doneyn in qaad lasoo geliyo deegaanadooda, si looga hortegayo faafida Cudurka Coronavirus.