Waxaa Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulanka 26-aad Kal-fadhiga 7-aad ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa shir guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo labadiisa ku-xigeen, isla markaana waxaa goobjoog ka ah 141 xildhibaan.
Ajendaha kulanka Maanta ayaa waxaa uu yahay laba Ajen oo kale ah:
1- Akhrinta 1aad ee hinidse sharciyeedka dhowrista maalgashiga iyo maalgashadaha.
2- Akhrinta 1aad hashiiska arimaha udhaxeeya turkiya iyo soomaaliya