Guddoomiyaha Guddiga Doorashadda Dada nee Qaranka, Avvocate Omar Mohamed Abdulle ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha Doorashadda iyo Xilliyadda la dooran doono Madaxweynaha cusub iyo Mudanayaasha Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda.
Guddoomiyaha waxa uu Shir Jaraa’id ku qabtay Hotelka Aljazeera ee magaalladda Muqdisho, wuxuuna shaaciyey Hannaanka ay u dhacayso Doorashadda, oo ah sidatan:
- Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee dalka ay dhacayso 25-ka bisha soo socota ee September.
- Doorashada Xildhibaannada waxay dhacaysaa 24 September ilaa 10 October ee Sanadkan.
- Doorashada Guddoomnka Baarlamaanka (Aqalka Hoose), waxay dhacaysa 25-ka October.
- Doorashada Madaxweynaha ay dhacayso 30-ka October ee Sanadkan.
©Radio Dalsan