Afhayeenka Garsoorka Iiraan, Qulaam Xuseen Muxeni ayaa maanta Shir Jaraa’id ka sheegay in la daldalay Saynis-yahankaasi oo lagu magacaabi jirey Shahram Amiri, kaasi oo xirnaa tan iyo sannadkii 2010-kii.
Afhayeenka waxa uu intaasi ku daray in Shahram Amiri lagu soo oogay inuu Basaas u ahaa Maraykanka, iyo inuuu gudbiyey Sirta Iiraan.
Marxumka la dilay waxa uu u shaqeyn jirey Ururka Iiraan uygu qaabilsan Tamarta Atoomikada ( Iran’s Atomic Energy Organization), waxaana la waayey isagoo gudanayey Waajibaadka Xajka ee sannadkii 2009-kii.
Dowladda Iiraan waxay ku eedeysay Sirdoonka Maraykanka qafaasheen Saynis-yahanka, loona kaxeeyey dalka Maraykanka.
Dhinaca kale, Saraakiisha Maraykanka waxay sheegeen inay Shahram Amiri ka heleen Warbixin aad muhiim u ahaa, ka hor inta uusan ku laabanin Iiraan sannadkii 2010-kii, iyadoo loo soo dhaweeyey “Soo dhaweyn Geesinimo”, ka hor inta aan Xabsiga loo taxaabin.
©Radio Dalsan