Puntland oo raali-gelin ka bixisay dhibaato loo geystay Ganacsatada Gaalkacyo

Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland, kan Degmada Gaalkacyo iyo Taliska Booliska ee Mudug ayaa raali-geli buuxda ka bixiyay xarig, jirdil iyo handadaad loo geystay qaar kamid ah Ganacsatada Suuqa weyn ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Ganacsatada ayaa waxaa falalkaas u geystay xubno ka tirsan Wasaaradda Maaliyada maamulka Puntland, kadib markii Ganacsatada ay cabasho ka muujiyeen lagaco dheeraad ah oo lagu soo kordhiyay.

Sidoo kale Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa Ganacsatada ka codsaday inay dib u furaan Xarumooda Ganacsi oo maalintii saddexaad xiran, waxaana Suuqa la xiray Khamiistii lasoo dhaafay.

Dhinaca kale Ganacsatada Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay inay raali-gelinta iyo codsig ay aqbaleen, isla markaana waxaa Guddi loo saaray cabashada kasoo yeertay Ganacsatada, taasi oo la xiriirta lacag dheeraad ah oo lagu soo kordhiyay.

Sawirro laga soo qaaday Suuqa Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa muujinayay in gabi ahaan uu suuqa yahay mid xiran, isla markaana xitaa uusan ka jirin isku socodka dadka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media