Guddoomiyaha Akadeemiya-gobaleedka Afka Soomaaliga (AGA), Dr. Maxamed Daahir Afrax ayaa hadalkaasi ku sheegay Wareysi Toos ah oo uu barqanimadii maanta siiyey Idaacadda Dalsan ee magaalladdan Muqdisho.
Guddoomiyaha oo maanta marti u ah Maamulka Radio Dalsan waxa uu si qoto dheer uga hadlay Taariikhda iyo Hirgelinta Qoraalka Afka Soomaaliga, sida uu ugu baahayo Caalamka iyo khatarta dhinaca Duullaanka iyo Dabar go’a Luqadaha Caalamka.
Waxa uu tilmaamay in 40 milyan oo qof ku hadlaan Luqadda Soomaliga, kuwaasi oo isugu jira dad Soomaali iyo Ajaaniib danaysa inay ku caano-maalaan Luqadeena Hooyo ee Hodanka ah.
Mar wax laga weydiiyey Duullaanka lagu hayo Afka Soomaaliga, waxa uu xusay inay jiraan 8 qoddob oo duullaan ku ah Afkeenna Hooyo, kuwaasi oo uu tilmaamay inay soo shaac baxeen dabayaaqadii sannadihii 90-aadka ee Dugsiyadda Gaarka ku soo bateen dalkeenna.
“Duullaanka Carabiyeynta iyo Luqadda English-ka ayaana si xawli ah loo dareemay, iyadoo Afkeenna halis u galo inay suuliyaan Luqadahaasi” ayuu yiri Dr. Afrax.
Waxa kale uu sheegay in Caalamka maanta laga xusayo maalinta Caalamiga ee Afka Hooyo, iyadoo dabaaldegaasi la asteeyey bishii February 21-dii ee sannadkii 1999-kii.
79 Waddan ayaa loogu dabaal degayo Maalinta Afka Hooyo waxayna Xafladda ugu weynna ka dhacayso Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris, halkaasi oo ay ku taallo Xarunta dhexe ee Hay’adda QM ugu qaabilsan W/barashadda, Sayniska iyo Dhaqanka ee UNESCO.
Dhinaca kale, Dr. Maxamed Daahir Afrax waa Qoraa Hal-abuur leh, wuxuuna soo saaray dhowr Buug oo ay ka mid yihiin:-
- Dal dad waaye iyo Duni Damiir beeshay,
- Fan-masrixyeedka Soomaalida iyo
- Sheekaddii caanka baxday ee Maana Faay.
Halkan ka dhegeyso Wareysiga uu Weriye Abuubakar Maxamed Cali la yeeshay Dr. Maxamed Daahir Afrax:-
©Radio Dalsan