Hay’adda Bisha Cas ee dalka Libya ayaa sheegtay inay maydadkaasi ku soo caariyeen Xeebta Degmadda Zawiya ee Galbeedka dalkaasi oo kaabiga ku haysa Badda Mediterranean.
Afhayeenka Bisha Cas ee Libya, Maxamed Al-misrati ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka AP inaymaydadkaasi saakayto oo Talaado ah ku soo caariyeen Xeebta Zawiya.
Waxa uu tilmaamay inaysan weli kala caddayn xaalladda ay dadkaasi ku maashoobeen ama ku hafteen.
Afhayeenka waxa kaloo uu xusay inay Maamulka Deegaanka u qaadi doonaan Maydadka Qabuuraha ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Tripoli.
Barta Twitter-ka ee Bisha Cas Libya ayaa lagu soo bandhigay Sawiradda Tobaneeyo maydad oo lagu dhex riday Bacooyin cadcad iyo kuwo mayd, kuwaasi oo la safay Xeebta Degmadda Zawiya.
Qiyaastii 230-qof, oo aysan ku jirin 74-ka mayd ee maanta la helay ayaa ku geeriyooday iyagoo ku sii jeeday Qaaradda Europe tan iyo bilowgii sannadkan ee 2017-ka.
In ka badan 4,500 qof ayaa sannadkii ku geeriyootay Badda Mediterrean, kuwaasi oo doonayey inay u gudbaan Xeebaha dalka Libya.
#Libya: Tragedy again today as #RedCrescent recover bodies of 74 people from a boat washed ashore near #Zawiya #StopIndifference #migration
©Radio Dalsan