Qaramada Midoobay ayaa si kulul u Cambaareysay Qaraxii Maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye
Qaraxaas oo loo adeegsaday gaari nooca xamuulka qaada ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro aad u badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qoraal kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxaa tacsi loogu diray qoysaskii ay dadka uga geeriyoodeen qaraxii Ex-Koontarool Afgooye, iyagoo kuwa dhaawacmay Caafimaad deg deg ah u rajeeyay.
“Qaramada Midoobay waxa ay cambaareyneysaa weerarkii gaari ee saakay ka dhacay Muqdisho, kaas oo dil iyo dhaawac u geystay dad badan. Qaramada Midoobay waxa ay tacsi u direysaa qoysaskii khasaaruhu soo gaaray, waxa ayna u rajeyneysaa dadka halkaas ku dhaawacmay in ay si dhaqsa ah u bogsadaan” ayaa lagu yiri Warka QM.
Ugu yaraan 70 Ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaas, halka 143 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo haatan xaaladooda Caafimaad lagu dabiibayo Muqdisho.
Dadka waxyeelada soo gaartay ayaa u badan dad shacab ah oo ay ku jiraan Arday badan oo dhiganeysay Jaamacadda Banaadir, waxaana gaariga ay saarnaayern gebi ahaan uu noqday mid gubtay.