Halyeeyga Orodka ee Somali-Biritish-ka ee Mo Farah waxa uu galabta Bartiisa Twitterka soo dhigay Farriin uu walaac kaga muujiyey go’aankii uu Donald Trump ku xayiray inay dadka Muslimiinta soo galaan Maraykanka.
Mo Farah waxa uu ugu baaqay Donal Trump in Xayiradda cusub ee Musslimiinta keentay walaac weyn iyo inuusan awoodi karin inuu soo booqdo Qoyskiisa oo ku sugan Maraykanka.
Waxa uu sheegay inuu Madaxweynaha cusub ee Maraykanka ka dhigay isaga sidii qof Ajnabi oo kale, kadib, markii uu Trump jimcihii hore soo saaray Sharciga cusub ee Muwaadiniinta ka kala imaanayo Somalia, Syria, Iran, Iraq, Libya, Sudan iyo Yeman looga mamnuucay inay Fiiso ku soo galaan Maraykanka muddo 90-maalmood.
Mo Farah oo haysta Labada Dhalasho ee Somali iyo British waxaa haatan laga xayiray inuu galo Maraykanka, haalkaasi oo ay ku nool yihiin Xaaskiisa iyo afartiisa carruur.
Hadal-qoraalka oo uu maanta uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka, waxa uu ku yiri:- “Anigu waxaan ahay Muwaadin British oo ku noolaa Maraykanka 6-dii sanno ee la soo dhaafay, aad u shaqeeyey, bixiyey canshuuraha, qeyb ka geysta Tabaruca Bulshadda”.
Waxa uu intaasi ku daray inuu carruurtiisa ilaa 4 ah isugu keenay hal meel, o oay haatan dhahaan Guri.
“Waxaan aad uga walaacsanahay inaan u sheego Carruurtayda inuusan Aabe awoodi karin inuu yimaado guriga, si uu idinkugu sharxo sababata ii Madaxweynuhu u soo saaray Siyaasad ka timid meel Jaahilnimo iyo nacayb leh” ayuu sii raaciye Mo Farah.
Duqa magaalladda London, Sadiq Khan oo ah qofkii ugu horreyey oo Muslim ah oo Duq magaallo ka noqdo magaalladda ugu weyn Galbeed ayaa ku baaqay in la joojiyo socdaalka uu Donald Trump ku imaan lahaa Britain.
Isagoo la hadlayey Tleefishinka Sky News waxa uu sheegay inay Xayiraadaasi tahay caddowtooyo iyo wax aad ceeb u ah.
“Inta ay xayiraadu jirto, marnaba Roog Cas “The red carpet” uma dhigi doono Madaxweyne Donald Trump ayuu sii raaciyey .
Siyaasadda cusub ee Donald Trump waxay horseeday cambaarayn baahsan oo ka timaada Caalamka oo dhan.
Kumanaan qof ayaa xalay dibadbaxyo kja dhigay Garoomadda Diyaaradaha ee Maraykanka, iyadoo Dibadbaxyo kjale maanta la qorsheeyey.
©Radio Dalsan