Haweeneydii keliya ee murashax Madaxweyne ahayd oo aan is-diiwaan gelinin iyo Is-diiwaan gelintii oo la soo xiray.

Guddiga Doorashadda Madaxweynaha ayaa gelindambe ee maanta ku dhawaaqay in la soo gebagebeeyey Is-diiwaan gelinta Murashaxiinta u loolami doona xilka Madaxweynaha 10-aad ee JFS.

Guddiga waxay sheegeen inay Murashixiinta is-diiwaan geliyeen, marka laga reebo Murashax Madaxweyne Marwo Canab Maxamed Daahir oo iyadu ahayd qofka keliya ee hawweney ah oo isku soo taaga Doorashadaasi.

Dhinaca kale, Guddigu waxay sheegeen in la dhimay Kharajkii gabdhaha ee Diiwaan-gelinta halki ay aheyd 30,000 oo Dollar, loooga dhigay 15,000 oo Dollar iyo 10 xildhibaan saxiixood.

Dorashadda Madaxtinimadda ayaa la filayaa in la qabto bisha soo socota ee February 8-da, waxaana xilkaasi ku tartamayo Murashixiin isugu jira kuwa Xilka Madaxweyne horey u soo qabtay, Siyaasiyiin Rug-caddaa ah iyo murashixiin kale oo ku cusub Masraxa Siyaasadda Somalia, balse leh Hiigsasho Xilka Madaxtinimadda.

Musharaxiinta ilaa had is diiwaangaliyey hoos ka aqriso

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media