Ninkii ka dambeeyay dilkii Paul Anthony Farmosa oo xalay geeriyooday

Wararka naga soo gaaraya Magalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Isbitaal halkaasi ku yaalla uu ku geeriyooday Ninkii ka dambeeyay dilkii maamulihii dekadda Bosaaso ee shirkadda P&O Ports, Paul Anthony Farmosa.

Ninka dilkasi ka dambeeyay ee geeriyooday ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Cabdullaahi Ibraahim Maxamed,waxaana dhaawacay Ciidamo ka mid ah kuwa Puntland,kadib markii uu dilay Madaxii shirkadda P&O Ports, Paul Anthony Farmosa.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in xalay Isbitaalka boosaaso uu ku  geeriyooday kadib markii qaliin lagu sameeyay,si looga saaro saddex xabadood oo ku jiray.

Shalay ayaa waxaa Baraha Bulshada lagu faafinayay muuqaalo laga soo duubay,isaga oo jiifa Isbitaalka boosaaso,isla markaana la wareysanayay,hayeeshee laamaha amniga Puntland aysan wax xil ah iska saarin dhaawiciisa iyo in uu faah faahin ka bixiyo cida soo amartay in uu dilkaasi fuliyo.

Dilka loo geystay Maamulihii shirkadda P&O Ports, Paul Anthony Farmosa oo u dhashay dalka Talyaaniga ayaa waxaa isla shalay sheegtay mas’uuliyadiisa dagaalamayaasha Al-Shabaab,waxaana la filayaa in Maanta Meydkiisa loo duuliyo dalka Imaaraadka Carabta si loogu gudbiyo Jaziirada Malta ee dalka Talyaaniga.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media