Dhageyso:-Wasiirkii hore ee Amniga”Waxaa la joogaa waqtigii wadahadal lala geli lahaa Al-Shabaab”

Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Dowladii uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa sheegay in xilligii uu wasiirfka ahaa uu wadahadal u socday Al-Shabaab oo dagaal xoogan kula jira dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in iyada oo uu wadahadalka socdo uu isbedel dalka ka dhacay,hayeeshee haatan la joogo xilligii wadahadalkaas lasii wadi lahaa si xal buuxa loo gaaro.

Waxa uu tusaalo u soo qaatay Wasiirka oo la hadlay Dalsan in Mareykanka oo dagaal kula jira Kooxda Taalibaan uu heshiis la gaaray,waxaana uu sheegay in Shabaab ay yihiin dad Soomaali ah,isla markaana marwalba ay ogol yihiin wadahadal.

Dhageyso Codka Wasiirkii hore ee Amniga Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media