Dableygii dadka Soomaalida xalay ku dhaawacaay Masjid ku yaalla magaalladda Zurich ee dalkaasi ayaa la sheegay inuu ahaa 24-jir u dhashay dalka Switzerland.
Taliyaha Boliska Gobalka Zurich, Christiane Lentjes Meili oo Shir Jaraa’id ku qabtay magaalladda Zurich ayaa sheegay inay Boliska heleen maydka ninka toogashada geystay, kaasi oo la rumeysan yahay inuu isaga is-toogtay.
Boliska waxay kaloo sheegeen inuu ninkaasi ku lug lahaa haweeney 24-jir ah oo maydkeeda maalintii Axadda ee la soo dhaafay laga helay Barxad ku taalla Zurich.
Haweeneydaasi ayaa la sheegay in dhowr jeer lala dhacay Tooreey ilaa ay ka geeriyooto.
Dhinaca kale, Dacwad-ooge Francoise Stadelmann ayaa u sheegay Warbaahinta in Saddexda Soomaalida ee lagu dhaawacay toogashadda ka dhacday Masjidka la dhigay Isbitaalka, isla markaana aysan jirin cabsi laga qabo xaalladooda nololeed.
Dadkii lagu dhaawacay Toogashadaasu ayaa kala ah Iimaamka Masjidkaa, Sheekh Mustafa Cali Khaliif iyo labo ka mid ah Jameecadda ku tukanaysay Masjidka.
Markaz-ka Islaamiga ee Eisgasse ee magaalladda Zurich waxaa la asaasay sannadkii 20112-kii, waxaana inta badan ku cibaadaysata tiro badan oo Qaxootiga Soomaalida iyo Muslimiin kale oo u kala dhalatay dalka Eriteria iyo Waqooyiga Afrika.
©Radio Dalsan