Qoraal qabyo ah oo ka mid ah War-murtiyeedka ay sida wadajirka u saari doonaan Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka oo loo soo dusiyey Radio Dalsan ayaa lagu sheegay inay Madaxda Madasha isla qaateen go’aano ku aadan Xilliga la qabanayo Doorashadda Afhayeenadda Labada Aqal ee Barlamaanka iyo tan Madaxweynaha iyo Shuruudaha laga doonayo Musharixiinta u taagan Doorashadda Madaxweynaha.
Wararka lagu kalsoonaan karo oo ay Radio Dalsan heshay ayaa muujinayo inay Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka go’aan ka gaareen in Doorashadda Guddoonka Barlamaanka la qaban doono bisha January 5-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka, halka Doorashadda Madaxweynaha la qaban doono isla bisha January 22-da ee sannadkan.
Madasha Madasha Wada-tashiga Qaranka waxay go’aan ka soo saareen Shuruudaha laga doonayo Musharixiinta ku loolami doono Xilka Madaxweynaha JFS, waxayna Shuruudahaasi kala yihiin:-
- Inuu Musharax Madaxweyne kasta bixiyo Kharajka Diiwaan-gelinta oo dhan 30,000 oo Dollarka Maraykanka.
- Inuu Musharax kasta taageero ka haysto ugu yaraan 30-Xildhibaan oo xaq u leh inay codeeyaan.
Sidoo kale, Qoraalka qabyadda ee hordhaca u ah War-murtiyeedka ay sida wadajirka u saari doonaan Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka oo loo soo dusiyey Radio Dalsan ayaa waxaa kaloo lagu go’aamiyey:
- In la isku raacay in la laalo 11-kii xubnood ee ay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xalinta Khilaafka Doorashadda horey uga saareen Liiska Xildhibaanadda ku soo baxay Doorashaddii Aqalka Hoose ee Barlamaanka.
Dhinaca kale, Musharixiinta xilka Madaxweynaha ayaan weli ka hadlin Shuruudaha lagu soo rogay, mana kala cadda inay buuxin doonaan Shuruudda Lacagta Diiwaan-gelinta oo dhan 30,000 oo Dollar.
Musharixiinta xilka Madaxweynaha waxaa ku jira kuwo taageero Dhaqaale ka helay Dowlado iyo Hay’addo Caalami, kuwo siyaabo kale ku helay Kharajkaasi iyo kuwo Jeeble Musharax ah oo aan awoodi karin inay bixiyaan Kharajkaasi.
Tiradda Musharixiintaasi ayaa u muuqda in lagu soo koobay ilaa 9-Musharax oo keliya, marka la is-barbar dhigo tirada Musharaxiinta iyo 275-ka Xildhibaan ee Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.
Si kastaba ha ahaatee, Waxaase is-weydiin Kharajka ka soo xerooda Is-diiwaangelinta Musharixiinta waxa lagu fulin doono iyo cidda damaanad-qaadaysa in kharajkaasi lagu shubi doono Qasnadda Qaranka ee horey loo baal-siiban jirey.
©Radio Dalsan