Allaha u naxariistee waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland xalay ku geeriyooday Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar oo aad looga yiqiinay deeganada maamulka Jubbaland.
Axmed Jaamac Maxamuud Qalyar waxa uu u geeriyooday dhaawac kooxo hubaysan ay ugu geysteen gudaha magaalada Kismaayo 13-kii Bishii September ee sanadkaan waxaana lagu dabiibay isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.
Nabadoonka waxa uu aad u dhaliili jiray siyaasadda maamulka Jubbaland gaar ahaana Axmed Madoobe iyada oo markii dambe uu dhaawac ka soo gaaray weerar ay ku qaadeen kooxo hubaysan in kasta oo aysan jirin cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas.