Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdulqaadir Axmed-kheyr Cabdi, ayaa shalay oo Talaado ahayd (1 Oktoobar) kaga guddoomay Muqdisho nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ee Marwo Alison Chartres, Safiirka Australia ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Diblomaasiyiin Soomaali iyo Australian ah ayaa goob joog ka ahaa madasha guddoomidda kuwas oo si weyn ugu faraxsanaa in Somalia ay Australia ka guddoonto warqadaha danjiranimo iyaga oo ugu hambaleeyay sanado kadib xiriirka labada dhinac.
Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa waxa ay kaga wada hadleen xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada, sidoo kale waxa ay isla fallanqeeyeen xaaladaha gobolka iyo dunida.