Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markale Sanadkii labaad waxa uu ka baaqday shirka Qaramada Midoobey ee New York.
Shirkaas oo Sanadkiiba mar qabsoomo ayaa waxaa ka qeyb galaan Madaxda badan oo Afrikan ah,waxaana dowladda Soomaaliya ay sanadkaan u dirtay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.
Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed ciise Cawad ayaa Shirka Guud ee Qaramada Midoobey waxa uu ka jeedin doonaa Khudbad dheer isaga oo metelaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxtooyada Soomaaliya weli mashaacin sababta uu Sanadkii labaad madaxweyne Farmaajo uga baaqday shirka Qaramada Midoobey ee ka dhacaya Magalada New York.