Labo qof ayaa ku geeriyootay, 38 kalena wey ku dhaawacmeen, kadib, markii ay Labo Tareen isku herdiyeen meel ku dhow Degmadda Domazliki ee K/Galbeed ee dalkaasi.
Afhayeenka Adeega Gurmadka Dabka ee dalkaasi, Peter Ponzar ayaa sheegay inay socdaan Gurmad lagu daad-gureynayo maydadka iyo dadka dhaawaca ee ku hoos xaniban labada Tareen.
Waxa uu sheegay inay ku-dhawaad 50 qof ku dhaawacmeen shilkaasi, iyadoo 7 ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaalladooda aad u liidato.
Wasiirka Gaadiidka ee dalka Jeek Reboblik, Karel Haflijek waxa uu tilmaamay in mid ka mid ah Dareewalada labada Tareen uu gudbay iyadoo uu Nalka Cas ee Samafaraha uu shidnaa, taasi oo sababtay inay isku dhacaan Tareenka kale.