Hadal qoraal oo ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa lagu amray dhamaan Shaqaalaha Maraykanka ee aan muhiimka ahayn inay ks soo baxaan magaalladda Muqdisho, sababo la xiriira cabsi iyaga ka dhan oo aan la shaacinin.
Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay sheegtay inay Warbixinta ku xiriirsan tahay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Dowladda Maraykan wax Safaarad kuma lahayn magaalladda Muqdisho tan iyo Burburkii Dowladdii Kacaanka sannadkii 1991-kii, waxayna Ergada Diplomaasiyiinta Maraykanka ka hawl-galaan Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.
Digniintan ayaa soo baxday hal maalin kadib, markii ay Milliteriga Maraykanka duqeyoda Koowaad la beegsadeen Saldhig ay Kooxda Daacish-ta Somalia ku leeyihiin duleedka magaalladda Qandala ee W/bari Somalia.