Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Al-Shabaab oo dilay qaar ka mid ah Ganacsatada qaadka Geyn jiray qeybo ka mid ah gobolka Bakool.
Gaari nooca Qooqanta Soomaalida u taqaano oo u socday degmada Xudur ayaa waxaa Wadada u galay Ciidamo ka tirsan kuwa Al-Shabaab kuwaas oo rasaas ooda kaga qaaday.
Ilaa Afar Ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen rasaastaas oo uu ku jiro Darawalkii Gaariga.
Gaarigaan ayaa ka yimid degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool waxaana inta badan saarnaa Ganacsatada Qaadka kuwaas oo u socday degmada Xudur.
Wariye Ibraahim Sheekh Maxamed oo ku sugan degmada Xudur ayaan ka wareysanay.