Maxamed Cali oo ah Soomaali haysta dhalashadda dalka Britain ayaa sheegay inuu u tartami doono Xildhibaanimadda Xisbiga Muxaafidka UK ee magalladda Cardiff.
Murashaxaasi oo haatan 35-jir ah waxa uu dalka Britain tegay isagoo 3-jir ah, kadib, markii ay isaga iyo qoyskiisa ka soo qaxeen colaadihii Sokeeye ee Somalia.
Waxa uu doonayaa haatan inuu Kursiga Xisbiga Shaqaalaha kala wareego Haweeneyda lagu magacaabo Anna McMorrin oo Kursigaasi ku fadhiday tan iyo sannadkii 2017-kii.
Waxa uu u xusul-duubayaa inuu noqdo Xildhibaanka Xisbiga Muxaafidka ee Waqooyiga magaalladda Cardiff, waa isku-daygiisii ugu horreeyey ee uu ku noqon lahaa Siyaasi rajo weyn leh.
Murashax Maxamed Cali waxa uu sheegay haddii loo doorto Xildhibaanimo inuu xushmeyn doono dhamaan rabitaanka dadka.
“Waxaan saddexdii sanno ee ugu dambeysay ka shaqeynayey La-dagaalanka Argagixisadda, waxaana soo arkay Tiro-koobka iyo Xogaha” ayuu yiri.
Murashaxa waxa kale oo uu sheegay inuusan u diyaarsanayn inuu arko dalka Britain oo madaxa la gala Qalalaase iyo in loo horseedo Dagaal sokeeye, wuxuuna carrabka ku dhuftay inuu og yhaay waxa uu dagaal yahay, maadaama uu ka soo qaxay Somalia.
Murashaxa oo weli saldhigiisu yahay magaalladda London waxa uu La-taliye ahaan ula shaqeeyaa Boliska La-dagaalanka Argagixisadda iyo Hawlaha Bulshadda la leeyihiin Boliska Dhexe ee London.
Sidoo kale, waxa uu weli yahay Maareeyaha Sare ee Xisaabaadka ee Shabakadda Caalamiga ee Xayeysiinta ee M & C Saatchi.