Dhageyso:-C/raxmaan C/shakuur “Al-shabaab waxay ku milmeen Hay’adaha Amniga iyo Dakhliga Muqdisho”

Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame ayaa waxaa uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in aysan siyaasad cad ka lahayn dagaalka Al-shabaab.

Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay ku mashquushay duminta dowlad Goboleedyada dalka ka jira.

Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa tilmaamay in Al-shabaab ay ku milmeen hay’addaha dowladda gaar ahaan kuwa Aamniga iyo hay’addaha Dakhliga.

C/raxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in Al-shabaab ay Canshuur ka qaataan qeybaha kala duwan ee Ganacsiga ay leeyihiin dadweynaha Soomaaliyeed iyo goobaha ay dowladda gacanta heysto oo ay ugu horreyso Dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho.

“Al-shabaab waxay ku milmeen hay’adaha Amniga iyo Dakhliga muqdisho waxay canshuur ahaan uga helaan 20 illaa 30 Malyan,”ayuu yiri C/raxmaan C/Shakuur.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa su’aal iska weydiiyey in wada shaqeyn toos ah ay ka dhexeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab.

Hoos ka Dhageyso Codka Cabdiraxmaan Cabdishkuur Warsame.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media