Maxkamad ku taalla magaaalladda Labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Aarhus ayaa la soo taagay Muwaadin Somali ah oo 25-jir ah, kaasi oo lagu soo eedeeyey inuu lahaa Bambooyin laga helay qeybta Hoose ee Dhismo uu ka deganaa magaalladdaasi.
Boliska ayaa sheegay inay 4 bilood si qarsoodi ah u baarayeen Kiiskaasi, iyagoo helay 2 waxyaabaha qarxa oo midkiiba ka koobnaa 200 garam iyo qalabka lagu qarxiyo miinooyinka.
Qareen Lars Henriksen oo u doodaya Eedeysanaha Soomaaliga oo aan magaciisa la shaacinin ayaa beeniyey Dacwadda lagu soo oogay, wuxuuna ka gaabsaday Faahfaahino dheeraad ah.
Garsooraha Maxkamadda ayaa go’aansaday in Dhegeysiga Dacwadda laga dhigo mid albaabadda u xiran.
Dhinaca kale, Eedeysanaha Soomaaliga waxa uu qirtay 3 Kiis oo kale oo ku aadanaa inuu haystay mindi yar iyo 650 garaam oo Xashiish ah iyo 23 dhalooyinka yaryar oo ay ku jireen waxyaabo Daroogo ah.
©Radio Dalsan