Faah-faahin kasoo baxeysa xariga Nabadoon Cabdiqaadir Xarago iyo banaanbaxyo ka dhacay boosaaso.

Nabadoon Cabdiqaadir Axmed Xarago ayaa shalay galab waxaa ay ciiddamo katirsan maamulka Puntland ay ku xireen magaalada Boosaaso ee gobolka Bari xili ciidamadu ay ka qabteen controlka magaalada.

Caasho Caraale oo kamid ah ehelka Nabadoon Cabdiqaadir waxaa ay sheegtay inay wali la’yihiin halka uu ku xiranyahay islamarkaana ay ka walaacsanyihiin xaalada Nabadoon xarago oo shalay galab lagu xiran Boosaaso.

Caasho waxaa ay sheegtay inay tageen saldhigyada magaalada Boosaaso balse lagu wargaliyey in Nabadoonka aanu lakeenin saldhigyada ay tageen oo eysan ogeyn ilaa iyo hada halka uu ku xiranyahay.

Xalay magaalada Boosaaso waxaa ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo xariga Nabadoonkaas waxaana ehelka Nabadoonka ay dalbadeen in lasoo daayo si uu helo xuriyadiisa.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media