Agaasime Cusub oo loo magacaabay Madaxtooyada Puntland, kadib Is-casilaadii Agaasimihii hore.

Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa u magacaabay C/naasir Biixi Soofe inuu noqdo Agaasimaha cusub ee Madaxtooyadda, kadib, markii uu is-casilay Agaasimihii hore, Deeq Saleebaan Yuusuf, kaasi oo xilkaasi hayey  tan iyo bishii January 14-dii ee sannadkii 2012-kii.

Agaasimaha Cusub ee la magacaabay oo ay isku jufo yihiin Madaxweyne Gaasayaa ahaan jirey Agaasimaha Ciiddanka Boliska ee Badda Puntland, waxaana xilkaasi laga qaaday kadib, muran soo kala dhex galay Sarkaal u dhashay Imaaraadka oo ku sugnaa Xeradda Ciiddanka Boliska ilaalinta Xeebaha Puntland.

C/naasir Biixi Soofi waxaa xilligaasi lagu eedeeyey inuu xiriir la lahaa Doonyaha sida sharci-darradda uga kalluumeysata Xuduud-baddeedka Puntland iyo inuu ku takri-falay Xilkiisa, isagoo Waraaqo Fasax ah siiyey Maraakiib Kalluumeysi oo laga lahaa Iiraan, kuwaasi oo si sharci-darro uga kalluumeysan jirey Xeebaha Puntland.

Dhinaca kale, Madaxweyne Gaas ayaa la filayaa inuu isbuucyadda soo socda isku-shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiiradda, sida ay sheegeen ilo ku dhowdhow Madaxtooyadda.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media