Shariif Kaariye oo 41 jir ayaa lagu soo oogay inuu door ku lahaa Kharaj lagu helay Mashruuc been abuur ahaa.
Eedeysanaha oo ahaa Milkiilaha Xarun Daryeel Maalinle (Daycare Center) oo ku taalla magaalladda Kansas ee Gobalka Missouri ee dalkaasi waxaa Xukun ku riday Maxkamad Heer Federal doorkii uu ku lahaa Mashruuc been abuur ah oo Macaashka Federalka looga qaatay in ka badan 556,000 oo Dollar.
Shariif Kaariye oo haysta Dhalashadda Maraykanka waxa uu ahaa Milkiilaha iyo Madaxa Guud ee Fulinta ee Xarun Daryeel Maalin lagu asaasay labo ganacsi iyo labo magac oo isku meel ku yaalla.
Labada Xarumood ee uu Madaxa fulinta ka ahaa ayaa lagu kala magacaabaa Karie Day Care Center iyo Tima Child Care Center, sida lagu sheegay Dukumenti loo gudbiyey Maxkamadda.
Shariif Mukhtaar waxaa bishii Janaayo 11-dii ee sannadkan lagu soo oogay eedeymo ay ka mid ahaayeen Xatooyo Hanti Dowladeed, 15 eedeymo la xiriiirta Xawilaad Lacageed iyo 3 Xatooyo ee Waraaqaha Aqoonsiga, waa sida hadalka loo dhigay.
Garsoore Degmo oo lagu magacaabo Brian C. Wimes oo u xil saarnaa qaadista dacwadaasi waxa uu Shariif Kaariye ku xukumay ilaa 4 sanno iyo 10 bilood oo aan cafis lahayn oouu ku qaadanayo Xabsi Heer Federal.
Sidoo kale, Haweeney la eedeysnayd oo lagu magacaabo Sheri Beamon oo 48 jir ayaa waxaa Xukunkeeda lagu dhawaaqi doonaan bishan August 15-da, iyadoo horey u qiratay Dembiyadii lagu soo oogay bishii September 10-da ee sannadkii hore.
Haweeneydaasi waxay ku magacownayd Agaasimaha Xarumaha Kaariye ee Daryeelka Maalinlaha iyo Xarunta kale ee Daryeelka Carruurta ee Maalinlaha (Timo Childcare Center).