War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha Maamulka Puntland ayaa lagu sheegay in la hakiyay bixinta kaararka aqoonsiga Nabaddoonada,waxaana wasaaraddu ay sheegtay in ay ku howlantahay Arrintaas
Qoraal ka soo baxay wasaaradda Arrimaha gudaha dowladda Puntland oo la ogaysiiyay xafsiiska madaxweynaha ayaa dhammaan guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland lagu amray in ay hakiyaan waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada ilaa iyo amar dambe.
Qoraalka waxaa lagu sheegay in wasaaraddu ay dhammaystirayso habraaca waraaqaha aqoonsiga Nabaddoonimada kadibna ay dib ka fasixi doonto bixinta aqoonsiga Nabaddoonimada
Halkaan Ka Akhriso Qoraalka