War Saxaafadeed ay Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban soo saareen ayaa lagu sheegay inay ku hawlan yihiin sidii loo xaqiijin lahaa inay Doorashooyinka si isku mid ah uga dhacaan guud ahaan Dalka.
Guddiga waxay xuseen iyagoo gudanaya Waajibka loo idmaday inay socdaal Xaqiiqo-raadin iyo Qiimeyn ah ku tageen goobaha Doorashooyinka ee Dowlad-gobaleedyadda Jubbaland iyo K/Galbeed.
Guddigu waxay sidoo kale kormeerkan ugu kuurgaleen waafaqsanaanta go’aanadii Madasha Hogganka Qaran (MHQ) ee lagu hubinayey qoondada haweenka ee xildhibaannada Golaha Shacabka ee 2016-ka, waxaana dabagal lagu sameeyey qoraal rasmi ah oo horey ugu gudbiyey Guddiyada Dowlad Goboleedyada ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban iyo madaxda Dowlad Goboleedyada ee bishii Oktoobar 19-dii ee sannadkan 2016-ka, taas oo ku saabsaneyd asteynta kuraasta deegaan doorashadooda ee ay haween kaliya ku tartamayaan.
Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban waxay Kormeerrada ilaa iyo hadda laga fuliyey deegaan doorashooyinka Jubbaland iyo K/Galbeed si gaar ah diiradda ugu saareen Hubinta daah-furnaanta geedi socodka doorashooyinka, iyada oo tallaabooyin wax ku ool ah laga gaaray dhacdooyin walaac leh sida xadgudubyo loo gaystay musharraxiinta qaarkood.
Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban waxaa u qorsheysan inay si degdeg ah ku soo kormeeraan Goobaha kale ee ay ka dhici doonaan Doorashooyinka.
Dhinaca kale, Guddigu waxay caddaynayaa in aysan ka mid ahayn shuruudaha doorashooyinka in Musharraxiinta lagu xiro warqadaha caddaynta Dembi la’aaneed in ay kala yimaadaan hay’adaha Amniga.
Guddigu waxay ugu baaqay dhammaan Maamul-goboleedyada in haddii ay jiraan musharraxiin looga reebay musharraxnimadooda warqadaha caddayn dambi la’aaneed ay la wadaagaan xogtooda Guddiga Federalka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban inta aan la qaban doorashada kursiga musharrraxiisa la hakiyay.
Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban waxay kaloo walaac ka muujiyeen cabashooyinka faragalinta ee ka soo yeeraya Oday-Dhaqameedyada 135-ka oo ay saxiixeen Madasha Hoggamiyayaasha Qaranka iyo Wakiilladooda.
Guddiga waxay xuseen inay u xil saaran yihiin hubinta iyo la shaqeynta Oday dhaqameedyadaas, iyadoo xoogga la saari doono sidii uu gacan uga geysan lahaa xallinta cabashooyinkaas si loo dadajiyo dhammaystirka liisaska ergooyinka dhiman.