Muwaadin Somali  ka tirsan Golaha Wasiiradda ee Boqortooyadda Gabula ee Uganda oo loo hanjabay.

 

Amiir Edward Columbus Wambuziga 4-aad oo madax ka ah Boqortooyo Dhaqameedka Gabula ee dalka Uganda ayaa dhisay Gole Xukuumadeed oo ka kooban 34 Xubnood.

Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay gurigiisa oo ku yaalla Deegaanka Nakabango ee magaalladda Jinja waxa uu Taageerayaashiisa ugu baaqay inaysan dagaal kala hor imaanin Golaha cusub ee uu ku dhawaaqay.

Waxa uu tilmaamay inaan loo baahnayn in la dagaalamo, maadaama ay iyagu yihiin dad ka soo jeeda Hal boqortooyo oo Deegaanka ah.

Ra’isul-wasaaraha Boqortooyo-dhaqmeedka Gabula waxaa loo magacaabay Dr. Joseph Muvawala, iyadoo Ku-xigeenkiisa Koowaad yahay Dr. Maxamed Lubega Kisambira, halka Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka Labaad loo magacaabay Muwaadin Somali haysta dhalashada Uganda oo lagu magacaabo Osman Axmed Nuur.

Wargeyska The Monitor ayaa qoray inay Dadka Deegaanka ka hor yimaadeen xilka loo magacaabay Muwaadinka Soomaalida oo isagu deggan Deegaanka Bulamogi.

Dadka Deegaanka waxay ku goodiyeen inay gubi doonaan guryaha uu ku leeyahay Degmadda Kaliiro.

Afhayeenka Boliska Waqooyiga Busoga, Michael Kasadha ayaa u sheegay Wargeyska Daily Monitor in Boliska Deegaanka Kaliro loo daad-gureeyey si ay u ilaaliyaan Hantida Muwaadinka Soomaalida ee Xilka Ra’isul-wasaare Xigeenka 2-aad looga doortay Xukuumadda Booqrtooyadda Gabula ee dalka Uganda.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor