Beesha Caalamka ayaa u muuqata inay ka gaabiyeen Ballanqaadkoodii  ku aadanaa Dhaqaalihii loogu talagalay in lagu soo ambabixiyo Qaxootiga Soomaalida ee iskooda uga soo laabanayo Xeradda Dhadhaab oo ay ku jiraan 330,000 oo Qaxooti.
Hadal qoraal oo ka soo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Ururka Midowga Afrika “The Peace and Security Council of the African Union† ayaa lagu sheegay inay Beesha Caalamka bixiyeen 105 million oo Dollar oo keliya oo qeyb ka ahayd lacagta 500 million oo Dollar ee ay Beesha Calaamka ka ballan-qaadeen Shirkii Caalamiga ee bishii October ee sannadkii hore lagu qabtay magaalladda Brussels ee Qaaraanka loogu ururinayey Dib-u-celinta Qaxootiga Soomaalida ku sugan Kenya.
Afhayeen u hadlay Golaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee AU-da ayaa lagu cusbooneysiiyey Baaqa looga dalbanayo Deeq-bixiyayaasha Caalamka inay bixiyaan Lacagta ka hartay Yaboohaasi oo dhan 395 million oo Dollars.
Goluhu waxa uu tilmaamay inay Dowladda Kenya walaac xooggan ka qabaan inay Xeradda Qaxootiga ee Dhadhaab noqoto deegaan ay Alshabaab isku urursadaan ama ka dhigtaan gabaad, waa sida hadalka loo yiri.
Afhayeenka u hadlay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee AU-da waxa uu ku baaqay in si ficil ah loo fuliyo ballanqaadka Deeq-bixiyayaasha, si ay Qaxootiga Soomaalida iskooda ugu laabtaan dalkooda hooyo ee Somalia, gaar ahaan Deegaanadda lagala wareegay Alshabaab ee ku yaalla Jubbooyinka iyo Goballadda kale.
©Radio Dalsan