Muuse Biixi oo Saakay Safar ugu ambabaxay deegaanada Bari ee Soomaaliland

Madaxweynaha  Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa saakay Waaberigii waxa uu markii ugu horeysay tan iyo markii la doortay ugu ambabaxay Gobolada Bari ee Soomaaliland.

Safarkiisa oo ay ku wehlinayaan Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Soomaaliland ayaa waxa uu ku tegayaa Magaalooyinka,Burco iyo Barbara.

Ujeedada safarkiisa ayaa waxaa lagu sheegay in uu u kuurgalayo xaalada deegaanada Bari ee Soomaaliland,waxaana sidoo kale uu ka qyeb geli doonaa munaasabad xariga looga jarayo Xabsi laga dhisay Magalada Burco.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu la kulmi doono waxgaradka deegaanada Bari ee Soomaaliland oo eedeymo bilihii ugu dambeysay uga imaaneysay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor