Kooxo burcad ah uu hubeysan ayaa x Gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah waxa ay xalay ku rasaaseeyeen tuulo hoostagta degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Gaarigaas oo ka yimid deegaan lagu Magacaabo War-Faarax ayaa waxaa Xoolo uu u waday Magalada Muqdisho,hayeeshee markii uu marayay tuulada Garasweyne ay koox Burcad ah rasaaseeyeen.
Qof ka mid ah dadka degmada Cadale ayaa Radio Dalsan u sheegay in Gaarigaas la rasaaseeyay oo noociisu ahaa Biijii,isla markaana rasaastii lagu furay ay ku dhaawacmeen laba Rag ah,sidoo kalena gaariga uu rogmaday.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta gaariga lagu rasaaseeyay,waxana la sheegay inay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah kooxdii burcada aheyd ee Gaariga rasaaseysay.
Dadkii ku dhaawacmay falkaas oo Ganacsato ahaa ayaa dhaawacooda waxaa loo soo qaaday dhinaca Magalada Muqdisho si loogu dawaeeyo.
Maamulka degmada Cadale iyo kan Gobolka Shabeellaha Dhexe weli wax faah faahin intaasi dheer ah kama bixin gaariga lagu rasaaseeyay tuulo hoostagta degmada Cadale.