Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland gaar ahaan Xarunta Baarlamaanka Puntland ayaa waxaa ka socota Khudbad jeedinta Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee Puntland.
Musharax Sanator Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa jeediyay khubadbadiisa oo uu uga hadlay Arrimo kala duwan, isagoona Xildhibaanada dowlad Goboleedka Puntland ka cosaday inay siiyaan Codka.
Sidoo kale waxaa khudbad jeedin doona Musharaxiinta kale, iyagoona Baarlamaanka ka dalban doona inay codka siiyaan, si ay uga mid noqdaan Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Musharax Kowsar Cabdullaahi Xirsi ayaa u tanaasushay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) oo la tartamaya, waxaana sidoo kale Musharax Maxamed Geed Maxamuud uu u tanaasulay Wasiir Maxamed Cabdi Majiino.
Doorashada 11-ka kursi ee Puntland ku matelaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa ku tartamaya 21 Musharax oo u badan Golaha Wasiirada Maamulkaas, waxaana daqiiqado kadib bilaabatan doonta doorashada.