Burcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ayaa habeenkii xalay aheyd deegaan ka tirsan Magaalada Cape Town waxaa ay ku dileen Muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Ganacsatada goobaha Ganacsi ku leh dalkaas.
Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Bashiir Maxamed Muuse, waxaana lagu dhex dilay goobtiisa Ganacsi oo ku taalla deegaanka kraaifontein ee hoostega Caasimadda Cape Town.
Goobjoogayaal Soomaali ah ayaa waxaa ay ku warrameen in Marxuum Bashiir Maxamed lagu dilay weerar lagu qaaday goobtiisa Ganacsi, isla markaana waxaa halkaas ka baxsaday raggii ka dambeeyay falka dhacay.
Ciidamada Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay inay wadaan baaritaano kala duwan oo lagu baadi goobayo burcadii hubeysneyd ee falka u geystay Marxuum Bashiir Maxamed Muuse oo kamid ahaa Ganacsatada kunool dalkaas.
Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu yahay dal inta badan dilal iyo boob loogu geysto Muwaadin Soomaali ah ee dalkaas ku leh goobo Ganacsi, mana jirto cid iska xil saartay sidii wax looga qaban la ahaa dhibaatooyinka lagu haayo Soomaalida.