Murashixiintii ugu badnaa oo Muqdisho kusoo wajahan

Murashixiintii ugu badnaa ayaa hadda kasuu wajahan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana wararku sheegayaan in saacdo kadib ay muqdisho soo gaari doonaan ku dhawaad 8 Murashax oo u taagan qabashada Xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Murashixiinta oo kasoo duulaya Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa ka mdi ah Daahir Maxamuud Geelle, C,Qaadir Cosoble Cali, Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo Murashixiin kale, kuwaasi oo la filayo in ay soo gaaaraan Muqdisho.

Waxaana socda Qaban qaabada soo dhaweyntooda, iyadoo hadda la dareemayo diyaar garoowga soo dhaweyn ballaaran oo ay sameeynayaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo Xildhibaanno.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media