Dood laga yeeshay soo laba kaclaynta caabuqa Karoona

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay u diyaar garowga doorashooyinka 2021/2025, amniga iyo laba kaclaynta caabuqa Karoona.

Ugu horeyn, golaha wasiirrada ayaa waxey warbixinta amniga ka dhageysteen Wasiirka Amniga Gudaha oo sheegay in howlgalada lagu sugayo amniga iyo xasilinta ay meel fiican marayaan, lana dardargelin doono, iyadoo uu ka codsaday shacabka in ay kaalin weyn ka qaataan sugidda amniga. Golaha ayaa Wasaaradda Caafimaadka ka dhageystay warbixin la xiriirta Caabuqa Karoonaha, iyadoo sheegtay in xanuunku uu soo laba kacleeyay, isla markaana bulshada looga baahan yahay in ay sameeyaan feejignaan dheeri ah.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa la iskula gartay in laga shaqeeyo khariidada doorashooyinka Qof iyo Cod ee 2021-2025, arrintan oo qayb muhiim ah ka ah Barnaamijka Xukuumadda.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media