Munaasabada Furitaanka kal-fadhiga Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa goordhow axa ay ka bilaabtaya dugsiga Tababarka Janeraal Kaahiye ee Magalada Muqdisho,waxaan ka qeyb galaya masรขโฌโขuuliyiinta ugu sareysa dalka.
Munaasada ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya,Raรขโฌโขiisul Wasaare Kheyre,Xildhibaano,Wasiiro iyo sidoo kale Xubno ka socda Beesha Caalamka.
Waxaa Munaasabada oo weli socota Khudbad ka jeediyey Guddoomiyeyaasha Baarlaamanada Galmudug iyo Hir-Shabeelle iyo masรขโฌโขuuliyiin kale,kuwaas oo inta badan soo hadal qaaday Warmurtiyedkii ka soo abxay shirkii Magalada Kismaayo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in Geba gebada munaasabada uu sirasmi ah u furo kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Wariyeyaasheena ku sugan Xarunta dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ayaa waxa ay soo sheegayaan in Xildhibaanada Aqalka sare oo qorsuhu ahaa inay kulanka Goobjoog ka ahaadaan ay qaadaceen,sial markaana kualnak Aqalka Sare Maanta uusan furmeyn.