War goordhow nasoo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in Guddiga joogtada ee Xildhibaanada Aqalka Sare ay haatan leeyihiin Kulan deg deg ah oo ay uga hadlayaan sababtii keentay inay maanta qaadacaan ka qeyb gelida furitaanka kal-fadhiga Afaraad ee Baarlamaanka.
Kulanka ayaa ka socda Xarunta guddiga joogtada uu ku leeyahay Villa Hargeysa,waxaana intiisa badan ay uga hadlayaan maadaama ay qaadaceen Maanta inuu furmo kulanka Aqalka Sare,sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen in Maalinta berito ah uu u furmo kulankooda.
Sanoter Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa u sheegay Radio Dalsan in kulankooda uu yahay mid deg deg ah,isla markaana ay diirada ku saarayaan arrinta soo korortay ee ah inay qaadeen furitaanka kal-fadhiga Afaraad ee Baarlamaanka.
Markii uu kulankooda soo dhamaado ayuu sheegay in Warbaahinta ay u faah faahin doonaan sababtii ka dambeysay inay qaadacaan ka qeyb galka furitaanka kal-fadhiga 4aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Xarunta Dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magalada Muqdisho waxaa iminka ka socoto munaasabad lagu furayo kal-fadhiga 4aad ee Golaha Shacabka maadaama ay qaadaceen xildhibaanada Aqalka sare.