Kooxda Mucaaradka Qowiyadda Oromadda ee OFC ayaa sheegtay inaysan war u haynin Xaalka 6 ka mid ah Hoggaamiyayaashooda iyo Maxaabiis kale oo ku xiran Xabsigaasi oo uu dhawaan dabku ka kacay.
Mucaaradku waxay tilmaameen in Guddoomiye-xigeenka OFC, Bekele Gerba iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee OFC, Dejene Tafa ka mid yihiin Maxaabiista ku xirnaa Xabsiga Qilinto.
Dhinaca kale, Hadal Qoraal ayey Dowladda Ethiopia soo saartay ayey ku sheegtay inay 21 qof ku geeriyoodeen Dabkaasi, inkastoo aysan shaacinin magacyadda dadka ku geeriyooday Xabsigaas.
Sidoo kale 2 Maxbuus ayaa toogasho lagu dilay, xilli ay doonayeen inay ka baxsadaan dabka qabsaday Xabsigaasi oo ku yaalla duleedka Addis Abeba.
©Radio Dalsan