Eedeysanaha oo lagu magacaabo Mattew Gust oo 26 jir ah ayaa shalay la soo taagay Maxkamad, isagoo lagu soo oogay inuu ka dambeeyey dab baab’iyey Baar ay Ganacsato Soomaaliyeed ku leeyihiin magaalladda Graand Forks ee Gobalka North Dakota ee dalka Maraykanka.
Dacwad-oogayaasha waxay Falkaasi ku tilmaameen mid salka ku hayo Colaad Isir-nacayb hagoogsan.
Eedeysanaha ayaa lagu helay inuu Waaberigii hore ee bishii December 8-dii ee sannadkii hore uu dhalo laga buuxiyey Baansiin ku tuuray Baar ay Ganacsato Soomaali ku leeyihiin magaalladda Grand Forks.
Khasaaraha ka dhashay Dabkaasi baabi’iyey Dhismaha Baarka Jubba Café ayaa la sheegay inuu gaarayo 250,000 oo Dollar.
Dhinaca kale, Garsooraha Maxkamadda magaalladda Grand Forks waxa uu Eedeysane Mattew Gust ku xukumay Xabsi 15 sanno ah.
©Radio Dalsan