Moroko oo 32 sanno kadib loo oggolaaday xubinnimadda Ururka Midowga Afrika.

Hoggaamiyayaasha Dowladaha Afrika oo haatan Shirkooddii 28-aad ku leh magaalladda Addis Abeba ayaa u codeeyeey inay Dowladda Moroko dib ugu soo biirto Ururka AU-da, kadib, markii ay horey uga baxday sannadkii 1984-kii.

39 ka mid ah Madaxda 54-ka Waddan ee ka tirsan Ururkaasi ayaa u codeeyey arrintaas, iyadoo Dowladaha Algeria, Koonfurta Afrika iyo kuwa Galbeedka Afrika u ololeeyeen in Moroko ku soo laabato xubinnimadda Ururka Midowga Afrika.

Dhinaca kale, Wasiirkii Arrimaha Dibedda ee dalka Chad ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee AU-da, kadib, markii ay dhowr Murashax kula tartameen Xilkaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media